U bood dhigaalka

Addis Ababa: 4 Qof Oo Ku Dhimatay Qarax Lala Eegtay Dibad-bax Uu Joogay Abiy Axmed

Sheeko:Caalamka

Ugu yaraan 4 qof oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhimatay, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen ka dib qarax lala eegtay dibad bax uu ka Khudbeynayay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ee caasimadda Adis.

Abiy Axmed oo wareysi kooban siiyay Telefishinka qaranka Itoobiya in dad yar ay ku dhinteen qaraxa isaga oo aan sii bixin wax faahfaahin ah.

Abiy Waxaa uu cambaareeyay dhacdadaan isagoo ku tilmaamay mid Fulinnimo ah oo lagu waxyeeleynayo nabadda iyo midnimada dalka Itoobiya.

Qaraxa ayaa dhacay xilli Abiy uu u Khudbeynayay taageereyaashiisa waxaana goobta kala cararay ciidamada ammaanka.

Goobjoog News