U bood dhigaalka

Qaabka Shirkadda  Instagram Aaney Wax Uga Xadi Karin Shirkadda Snapchat

Waxaa jira adeegyo badan oo shirkadaha Tekmolojiyadda sida Facebook,  Instagram iyo Watsup-ka  ay ka koobiyeeyeen shirkadda Snapchat, laakin hadda waxaa soo baxday qaab iyo hab ama macaamiil aan la koobiyey karin.

Sida lagu qoray bogga TNW ee dalkaasi Hollanad, sida lagu ogaaday adeegga App Annie, shirkadda Snapchat waxaa ay heystaa 60 Milyan oo Macamiil ah maalintii, kuwaas oo si joogta ah u adeegsada, arrintaas oo looga faa’ideysan karo dhanka xayeysiinta.

Macaamiisha isticmaasha adeegga shirkadda Snapchat boqolkiiba 35% ma booqdaan shirkadda Facebook, xilliga ay isticmaalayaan Snapchat, dadkaasi 46% ka mid ah malaha adeegga Instagram halka 61% dadka macaamiisha u ah Snapchat aaney muuqaal ka daawan Youtube-ka.

In kastoo shirkadaha Google iyo Facebook ay yihiin kuwa ugu waaweyn caalamka xagga xayeysiinta hadana waxaa jira in shirkadda Snapchat macaamiil gaar taasi oo ah habka ay uga duwan tahay adeegyada kale.

Goobjoog News