U bood dhigaalka

Adeeg Cusub oo Facebook Ka Horistaagaya Inuu La Socdo Tallaabooyinkaaga Internet-ka

Browser-ka Firefox ayaa ku dhawaaqay inuu soo saaray adeeg cusub oo lagu magacaabo “Facebook Container” kaas oo Facebook ka horistaagaya inuu la socdo tallaabooyinka dadka adeegsada, marka ay isticmaalayo websiteyada kale.

Website-ka “Cnet” ayaa qoray in Facebook si la mid ah Google  dadka isticmaala ay la socdaan tallaabooyinkooda dhanka Internet-ka iyo websiteyada kale ee ay booqdaan, si qofkaas si gaar ah waxbadan looga ogaado, loona fahmo xayaysiimaha ku habboon ee lagu soo beegsan karo.

Mozilla Firefox ayaa sheegay in adeeggan cusub oo hoos yimaadda Firefox, website-yada baraha bulshada uu ka horistaagayo iney tallaabooyinkooda internet-ka la socdaan.

Mozilla waxa uu intaa sii raaciyay: “Adeeggan cusub, waxaad ku adeegsan kartaa Facebook iyo website-yada kale, waxaanad ku  ilaashan kartaa xogahaaga gaarka ah oo kuu ilaashamaya.”

Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli Facebook uu waajahayo fadeexad weyn kadib markii la ogaaday in shirkadda la-talinta siyaasadeed ee Cambridge Analytica ay adeegsatay xogo uu kaydiyay Facebook oo loo adeegsaday doorashooyinkii Mareykanka ee 2016.

Facebook ayaa ka cudur-daartay khaladaadka uu sameeyay, isku day ay shirkaddu ku dooneyso iney ku hagaajiso sumcadeeda dadka adeegsada, kuwa xayaysiimaaha u keensada iyo maalgeshadayaasha, kadib markii siyaabo aan habbooneyn loo adeegsaday xogo ay bartu kaydisay dad gaaraya ilaa 50-milyan oo qof oo ku dhaqan gudaha dalka Mareykanka.

Goobjoog News