U bood dhigaalka

Adeeg Cusub oo Lagu Soo Kordhiyay WhatsApp Dadkuna Ay Wada Raadinayaan

Adeegga farriimaha codka la iskugu diro waxa uu leeyahay shacbiyad aad u ballaaran dadka isticmaala WhatsApp, maxaa yeelay waxaa u suurtogalaysa iney farriimahooda iyo dareenkooda ay cod ku gudbiyaan si ka sahlan qoraalka shaashadda mobile-ka lagu qoro.

Sida lagu qoray website-ka Business Insider qeybta af-Jarmalka ku hadasha, dadka WhatsApp-ka isticmaala waxaa haysata mushkilad aad ay ugu dhibaatoodaan, taas oo qabsata marka ay codkooda duubayaan ee meel dhaxe ay marayaan ee la soo waco ama mobile-ku ka damo, in waxii ay duubeen oo dhan ay lumayaan, oo ay ku khasban yihiin iney mar kale codkooda duubaan.

Hadaba, haddiii aad haysato iPhone  ku shaqeynaya nidaamka 2.18.10, waxaa kuu suurtogalaysa inaad dib u soo ceshato farriimihii kaa kala ga’ay, waxaanad u dhameystiraneysaa si sahlan, iyadoo dhanka kale ay kuu suurtogalayso farriin kasta inaad dib u dhagaysto inta aadan dirin ka hor.

Adeeggan cusub waxaa ka faa’ideysan kara dadka isticmaala iPhone oo qura, halka dadka Android  is ticmaalaa muddo ay iska sugi doonaan inta adeeggan cusub loosoo fasaxayo.