U bood dhigaalka

Adeegga WhatsApp Business Oo Tijaabo Ahaan Daah Looga Rogay

Shirkadda Facebook ee maamusha adeegga WhatsApp ayaa soo kordhisay adeeg cusub oo la yiraahdo WhatsApp Business, oo hadda dowladaha qaar si wanaagsan uga shaqeynaya.

shirkadaha yaryar ee soo koraya ayaa ka helaya fursado wanaagsan oo ay macaamiishooda kula xiriiraan, shaqaalahadoodana ay kula socon karaan.

Facebook ayaa App-kan cusub soo bandhigtay September-tii la soo dhaafay, iyadoo hadana si tijoobo ah dowladaha qaar loogu sii daayay.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa su’aalo ku saabsan waxqabadka adeeggan cusub ee WhatsApp Business:

Muxuu yahay adeegga WhatsApp Business?

Waa adeeg loogu talogalay in si sahlan ay ugu xiriiraan shirkadaha iyo macaamiishooda, si ka sahlan WhatsApp-ka ay dadka caadiga ah ku xiriiraan.

Waxaa uu leeyahay Astaan U Gaar Ah

Astaanta u gaarka ah waa xarafka B oo la dhexgaliyay astaan WhatsApp, waana arrinta keenaysa in macaamiishu ku kala saaraaan WhatsAppka caadiga ah iyo kan Business-ka ah.

WhatsApp Business muxuu kaga duwan yahay kan caadiga ah?

WhatsApp Business waxa uu leeyahay Verified, jawaabo degdeg ah iyo farriimo salaan ah, waxaa kale oo laga heli karaa adeegyo farabadan oo la mid ah kuwa messenger Business laga helo.

Waa Imisa Qiimaha lacageed ee adeeggaan lagu heli karo?

Shirkadda Facebook adeeggaan si lacag la’aan ah ayay kusoo daysay, si bilaasha ah ayaanad ugala soo dagi kartaa Play Store.

  Waa kuwee Dowladaha adeeggaan loo fasaxay iyo qalabka lagu isticmaali karo?

Dowladaha adeeggaan heli kara ee sida kumeelgaarka ah loogu sii daayay waxaa ka mid ah, Mareykanka, UK, Talyaaniga, Indonesia iyo Mexico, waxaana la filayaa bilaha soo aaddan in dowladaha kale ee dunida loo sii daayo. Dadka qalabkoodu ku shaqeeyo Android ayaana hadda isticmaali kara.