U bood dhigaalka

Ganacsigii Gaalkacyo Oo Dib U Soo Laabtay Kadib Dibadbaxyo Magaaladaasi Hareeyay

Sheeko:Dalka

Wararkii ugu dambeeyay ee maanta ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid deggan kadib maalmo ay magaaladaasi hirgelisay dibadbaxyo waa weyn.

Dibadbaxayadaan qaarkood oo watay rabashado ayaa ka dhacayay magaalada Gaalkacyo waxaana looga soo horjeeday dowladaha Hindiya iyo Maraykanka.

Dibadbaxyadii labadii maalin ee la soo dhaafay ka soconayay magaaladaasi oo dadweyne careysan ay ku diidanaayeen jiritaanka dowladda Maraykanka.

Dadweyne careysan ayaa gubayay calanka dowladda Maraykanka waxayna ku qeylinayeen Maraykanku wuxuu xasuuqay ilmaheenna, ciidankeenna iyo maatadeenna, doonimayno dowladda Maraykanka.

Dibadbaxyadaan oo rabshado watay ayaa sababay in dhammaan la xiro goobaha adeegyada bulshada ee magaalada Gaalkacyo iyo waddooyinka waa weyn, iyadoo dadweynaha ugu dambeyn ay isugu tagayeen garoonka weyn ee Cabdullaahi Ciise Maxamuud halkaas ku soo bandhigayay sida ay uga xun yihiin weerarka Maraykanka uu ka geystay degaanka Jeexdin ee duleedka magaalada Gaalkacyo.

Xaaladda ayaa maanta caadi ku soo laabatay magaalada waxaana shaqeynaya ganacsigii magaalada oo horay hakad ay u geliyeen dibadbaxyada.

Maanta ayaa waxaa soconaya dibadbax ay soo agaasimeen culumada magaalada Gaalkacyo kaas oo isna lagu diidan yahay duqeyntii Maraykanka uu ka fuliyay degaanka Jeexdin ee magaalada Gaalkacyo.

Culumada gobolka Mudug ayaa sheegaya in Maraykanka uu si gardarro ah u weeraray dad shacab ah iyo ciidamada Galmudug.

Labadii maalin ee la soo dhaafay sida uu ahaan jawiga magaalada Gaalkacyo marka maanta loo eegana waa ka yara wanaagsan yahay.

Goobjoog News