U bood dhigaalka

Adeegyadii Bulshada Ee Gaalkacyo Oo Dib Usoo Kabanaya

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay maamullada Puntland iyo Galmudug, kaasi oo saameyn xooggan ku yeeshay adeegyadii ganacsi ee magaaladaasi.

Waxaa xilligaan la dareemayaa inuu uu dib usoo laabanayo dhammaan adeegyadii bulshada ee magaaladaasi, gaar ahaan suuqa weyn oo ku xirmay dagaalladii dhacay.

Wariyaha Goobjoog News Cali Cayn ayaa kormeer ku tagay suuqa degmada Gaalkacyo waxaana uu la kulmay qaar ka mid ah ganactadaasi.

Cali Cayn ayaa sheegay in hadda aad uu mashquul u yahay suuqa degmada Gaalkacyo, sidoo kalena dad badan ay usoo dukaameysi tagaan.

Qaar ka mid ah ganacsatadaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in shaqadooda ay dib ugu soo laabtaan, islamarkaana ay rajeynayaan in nabadda ay noqoto mid sii waarta.

Dhinaca kale qaar ka mid ah ganacsatadaan ayaa dalbaday in shacabka ku dhaqan Gaalkacyo afti laga qaado si meesha ay doonaan ugu biiraan, maadaama Laba maamul ay magaaladaasi ka jirto.

Goobjoog News