U bood dhigaalka

Adeegyo wax lagu Basaaso oo Gurigaada Dhex Yaalla

Telefishinka:  ayaa ka mid ah tiftifka ama Jaajuuska ugu weyn, waayo waxaa uu duubayaa caddeymo ku saabsan teleshinada aad jeceshahay in aad daawato, waqtiga aad jeceshahay in aad daawato, xitaa waxaa jira USB ku xiran madaxa oo isagana xaraynaya wax alle wixii loo baahdo, taasi oo si fudud lagu ogaan karo wax walbo oo kugu saabsan.

Receiver-ka: ama Cable-ka kuugu jira waxaa sidoo kale uu qeyb ka yahay waxyaabaha ku basaasaya oo guriga kuu yaalla, qalabka waxaa uu si toos ah ugu xiran yahay dayax gacmeedka, waxaana si fudud loogala socon karaa waxa aad daawato iyo waqtiyada aad daawato iyo Macluumaadka kugu saabsan oo shirkadda aad u gudbisay intaba.

  Moden-ka ama ISP”-ka: Intenet-ka waxaa uu qeyb ka yahay basaasiinta, waxaa qofka Internet leh si fudud loo ogaan karaa qofka uu yahay, waayo shirkadda aad Internet-ka ka soo xiratay waxaa ay og tahay wax walbo oo kugu saabsan, Bogaga aad jeceshahay in aad booqato, goorta aad Internet-ka ku jirto, dadka aad la hadleyso iyo wax walba, Marka Shirakadaha Internet-ka waa basaasiin dadban.

Camerada Webka:, waa adeeg kale oo guriga kuu yaalla in uu ku basaaso, ha u maleyn in camera ay aragto oo kaliya qofka aad u daartay, waxaa kaloo arkaya shirkadda iska leh adeegga aad isticmaaleyso, waana la arki karaa haddii loo baahdo, waxaa dhacda in shirkado badan laga codsado Macluumaad qofka ku saabsan, shirkado diida waa jiraa oo ilaaliya nolosha Khaaska ah ee dadka halka shirkado kale ay bixiyaan, dowladda Mareykanka arrinkaas aad ayey u isticmaashaa.

Telefoonka Guriga: Telefoonada guriga yaalla ama waxa loo yaqaano Land line, waa astaan kale oo weliba caan ah oo dadka lagu basaaso, waxaa adeegsada dowlado badan si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa qofka, cidda uu la hadlayo iyo dhammaan sirta qofka ku saabsan, arrintaan mar hore ayey bilaabatay cid walba waa og tahay.

Telefoonka gacabta: Mobile-ka waa adeeg kale oo isna dadka lagu basaaso, waxaa xitaa loo isticmaalaa dilka meelaha fog fog, waxaa hubaal ah in arrinkaas marar hore aad maqasheen, Mobilka waxaa si fudud loo ogaan karaa qofka, meesha uu joogo iyo waxa uu qabto, dowlado badan ayaa arrinkaas ku caan baxay, Mareykanka waxaa uu dad badan ku laayey Mobile-ka ay isticmaalaan, marka Mobilka waa adeeg kale oo basaas ah.

Waxaa kaloo jira adeegyo kale oo guriga noo yaalla balse basaasiin ah oo cadawga uu ku shaqeysto, sida adeegyada caafimaadka qaarkood, Adeegyo loo isticmaalo madadaalo, adeegyo loo isticmaalo Jikada ama cunto karinta iyo kuwa kale oo ka mid waxyaabaha ay soo kordhisay Tecknolojiyadda balse dadka lagu basaaso.