U bood dhigaalka

Aden Madoobe  oo Xildhibaanada Ceel Barde Uga Digay Qaska iyo Xildhibaan Aabi oo Ku Hanjabay in ay Hoos Geyn  Doonaan Dowladda Dhexe

Sheeko:Baarlamaanka

Sheekh Aden Madoobe  oo Wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa uga  digay  xubnaha Baarlamaanka ee ku sugan Ceel-Barde in ay abuuraan Kacdoon aan loo baahneyn.

Sheekh Madoobe ayaa sheegay in ay haboon tahay in laga wada hadlo wixii khilaaf ah ee jiro isagoo ku taliyay in dadka deegaanka ay  tashtaan oo aan lagu deg degn  talooyin ay wadaan siyaasiyiin dan kale leh oo ka yimid gobollo iyo deegaano fog fog.

“Ceel Barde waxaa degan  4 Beel, isla markaana aanay hal beel dhihi Karin ma rabo, ma jirto dhul la rari karo,  Ceel Barde waxay ka mid tahay  Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed “ayuu Madoobe intaa raaciyay.

Dhinaca kale Goobjoog News ayaa ogaatay in xubno cusub ay ku biireen Xildhibaanada ku sugan Ceel Barde, dadkaas waxaa ka mid ah  Xildhibaan Maxamed iidle(Geedi Xerow) iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseeb Cabdi Xalane.

Xildhibaan Axmed Aabi oo isna u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in Ceel Barde ay joogaan maamulka iyo Isimada 3 degmo oo kala ah Ceeb Barde, Caato iyo Yeed.

Xildhibaan Aabi, waxaa intaa raaciyay in ay wadaan Madal maamul loogu sameynayo 3-da degmo, islama markaana ay dhisi doonaan guddi farsamo.

Xildhibaanka ayaa ujeedada Safarkooda ku sheegay in degmooyinkan 3-da ah ay ka tirsan yihiin Bakool balse maamulka Koofur Galbeed uu waxba kasoo qaadin cabashada degmooyinkaas  u gudbiyeen, dadka ay cabashada kala hadleen waxaa ka mid ah  Madaxweynaha Maamulka Sharif Xasan sida Xildhibaanka uu sheegay.

Aabi ayaa ugu dambeyntii soo qaatey in Dastuurka dalka uu qabo in dagmadii Saluugta waxa Maamulada Federaalka jira  ay si toos ah u hoos tagayaan Dowladda Dhexe, degmooyinkaanna ay sidaa yeelli doonaan.