U bood dhigaalka

Adis Ababa: Farmaajo Iyo Mustafe Cagjar Oo Kulmay

Sheeko:Dalka

Waxaa goordhow soo dhammaaday kulan ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo hoggaamiyaha ‘Somali State” ee deegaaka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) .

Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen ilo ku sugan Adis Ababa, kulanka waxaa xoogga lagu saarey isbadalka ka dhacay deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo midka gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saaka u ambabaxay magaalada magaalada Addis Ababa ayaa halkaasi uga qeyb-galaya Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD oo looga hadli xubinnimada Eritrea oo mar kale ka mid noqonaya xubnaha Urur Goboleedka IGAD.

Sidoo kale waxaa shirka lagu wadaa inuu ka qeyb galo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo markii u horeysay ka soo muuqanaya miiska Madaxda IGAD.

Goobjoog News