U bood dhigaalka

Adis Ababa: Midowga Afrika oo Hadda Ka Shiraya Muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Sheeko:Amniga

Golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa iminka u fadhiya arrimo la xiriira muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Golahan ayaa ka hadlaya soojeedin ka timid dalka Kenya oo la xiriira in Afrika dhexgasho oo heer Afrikaan ah lagu xaliyo khilaafka iyo muranka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Goobjoog News ayaa ogaatay in Soomaaliya ay diiday soojeedinta Kenya, kuna adkeysatay in laga warsugo go’aanka maxkamadda cadliga adduunka.

Wararka aanu helnay waxaaa ay intaasi ku darayaan in Soomaaliya ay shirka ka baxday iyada oo muujineysa sida aaney raali uga aheyn doodda socota, loona baahneyn.

Golahan waa 15 dal, waxaa bariga Afrika uga jira Rwanda, Kenya iyo Djiboti.

Horay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa midowga Afrika ugu gudbiyey qoraal ah: in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay maxkamadda cadliga, isla markaana ka war sugayaan.

Kenya ayaa waxaa ay wadaa cadaadis walbo oo looga hortagayo in doodda ay ka bilaabato ICJ 9ka bishan, laakin Soomaaliya ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in halkaas la tago, laguna qanco natiijada.

Dhanka kale ilo xogogaal ah ayaa Goobjoog News u sheegay in Kenyaanku doonayaan talaabo kale oo waali ah, taas oo ay ku kala dirayaan dhammaan qareenadooda si dacwada dib loogu dhigo 12 bil oo kale.

Haddii ay sidaasi sameeyaan waxaa dhaceyso :

– In ay xilligaas wadahal raadiyaan iyo xal diblomaasiyadeed ula galaan Soomaaliya.

– In dalalka Afrika iyo Midowga Afrika ka dhameeyaan in dacwada iyagu dhageystaan oo laga soo wareejiyo maxkamadda qaramada midoobey.

– Iney ka shaqeeyaan iney isjiidjiidka gaaro marlaxadda kala guurka ee Soomaaliya kadib, oo ay la macaamiilaan maamulada iman doona Soomaaliya 2021ka.

Goobjoog News