U bood dhigaalka

Adis-ababa Oo Martigelineysa Wadahadllada Biyo Xireenka

Sheeko:Dalka

Wasiirka waraabka ee Suudaan Muctasim Muuse ayaa sheegay in wareegga cusub ee wadahadallada ku saabsan biyo xireenka ay ka furmi doonaan  shanta bisha May ee soo socota magaalada Adis-ababa ee caasimadda Itoobiya.

Arrinkan ayaa yimid ka dib markii Muctasim iyo ra’iisulwasaaraha Suudaan Bakri Saalax ay kumeen sida ay sheegtay wakaaladda wararka Suudaan ee Sunna.

Muuse ayaa caddeeyay in kulanka dhacaya shanta May ay ka qeyb-gali doonaan wasiirrada waraabka ee dowladaha saddexda ah oo kala ah Masar Suudaan iyo Itoobiya.

Muuse ayaa dhanka kale tilmaamay in kulan kale uu dhici doono bartamaha May oo ay yeelan doonaan wasiirrada arrimaha dibadda saddexdan dowladood madaxda laamaha sirdoonka iyo wasiirrada waraabka.

Caasimadda Suudaan waxay marti-gelisay shantii April  wadahadallada biyo xireenka heerka wasiirrada arrimaha dibadda iyo madaxda laamaha sirdoonka balse wax natiijo ah kama soo bixin.

Goobjoog News