U bood dhigaalka

Adm.Faarax Qare: Go’aanka Maxkamadda ICJ Waa Mid Cadaalad ah oo Sii Xoojinaya Nabadgelyada Caalamka

Sheeko:Dalka

Taliyiihi hore ee Ciidamada Bada Soomaaliya Admiral Faara Axmed Cumar “Qare”, ayaa sheegay in natiijo wanaagsan ay tahay go’aanka maxkmada ICJ nabadgelyada dunidana uu sii xoojinayo.

Adminaral Faaraxa Qare oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal ugu jirto iney difaacato badeeda islamarkaana aanuu shaki ku jirin iney soohdinta la isku haysto ay tahay soohdin badeedka Soomaaliya.

Admiral Faarax ayaa aad u ammaaney go’aanka maxkamadda oo uu ku tilmaamey mid sii xoojinaya nabadgelyada adduunka:

“Marka ugu horreysa waxaan aad ugu tahniyadeynayaa maxkamadda caalamiga ah oo cadaaladda is garab taagtay, annagu awalba waan sugeynnay arrimahaas cadaaladda ku fadhida, in la ammaano wey mudan tahay, maxaa yeeley, cadaalladda caalamka waxaa ku taagan nabadgalyada caalamka“.

Admiralka oo ka mid ahaa guddigii khubara sharci yaqaanka ahaa ee la socday waxna ka diyaarinayay dacwadda  ayaa yiri jaranjaradii Koowaad ee dacwadda waan ka gudubnay:

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay xaqiinnii waa bilowday jaranjaradii Koowaad ayaa cagta la saaray jaran jarooyinka kalena waxaan rajeynaynaa iney sidaas oo kale ku dhamaadaan guul”.

Mar aan wax ka weydiinney ogolaanshiyaha maxkamadda ee heshiiskii is afgaradka MoU waxa uu u dhimi karo dacwadda Soomaaliya, ayaa ku jawaabay:

“MOU markii horeba waxa uu sheegaayay waxyaabo badan oo intii aan maxkamadda joognay macnahooda la isku khilaafsanaay, laakiin haddiiba aan u qaadanno in uu wax xallin karo, sharciga Adduunku waxa uu leeyahay haddii Laba dowladood oo daris ah haddii ay wax iska galaan marka hore heshiis wey ku dhameysan karaan,haddii heshiiska wax ka soo bixi waayaan waxay ku dhameysan karaan iney dadkale wakiishaan iyo dowlado, haddii inta wax ka soo bixi waayaan ama laga shakiyo inaan waxba ka soo baxaynna maxkamad ayaa u dambeysa oo go’aan ka gaareysa,heshiiskaa is afgaradka ah waa iska dhamaaday, maxkamad ayaa arrintii la wareegaysa, sidaas ayaynan rajeynaynaa”

“Annagu markii horeba dowladda Kenya waan la bilownay wadahadal mudduu noo socday iyagaa ka gaabiyeen oo shirara badan oo aan u ballan saneyn iyagaa iman waayay, aakhirkii Soomaaliya waxay ku khasabtay iney maxkamadda tagaan, sidaas ayaanan maxkamadda u tagay una rajeynaynaa iney wax u dhamaadaan”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Admiral Faarax Qare.

Soomaaliya ayaa galka dacwaddan u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ sandkii 2014, iyadoo ulajeedada dacwaddo ahayd in maxkamaddu ogolaato in kiiska khilaafka badda ee Soomaaliya iyo Kenya lagu qaado maxkamadda, halka Kenya ay dooneysay in arrinta si hoose loo xalliyo oo aan maxkamaddu dacwaddan qaadin.

Goobjoog News