U bood dhigaalka

Admiral Gaas Faarax Qare: Dacwada Badda, Kenya Waan Uga Guuleysan-doonna

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha hey’adda cilmi -baarista badaha Soomaaliyeed Admiral Gaas Faarax Axmed Qare ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku guuleysan-doonto muran badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Faarax ayaa tilmaamay in dowladda Kenya markey gudbisay jawaabtii laga sugayey December 17 ka dib ay tahay inay guuleysan doonto dowladda Soomaaliya .

“Dacwadii waa ay socotaa go’aanka dacwada waxaa uu ahaa Kenya inay keento Disember jawaabtii ay ka bixineysay dacwadii Soomaaliya ay u gudbisay maxkamadda iyada ayaa laga sugaa waxay ku jawaabto dacawada waxaan rajeyneynaa inaan ku guuleysanno maxaa yeelay xaqbaan leenahay”.

Dhanka kale Admiral Gaas  Faarax Axmed Cumar Qare waxaa uu sheegay in maamul goboleedyada dalka aysan wax awood ah aysan u laheyn inay bixiyaan shatiyada kalluumeysi ee la siiyo hay’adaha ajaanibta ah.

“Shatiga kalluumeysiga ah ee la siiyo ajanabiga dowladda dhexe kaliya ayaa bixin karto “.

Hadalkaani ayuu ka sheegay Admiral Gaas Faarax Qare kulan looga hadlayey sidii looga faa’ideysan lahaa qeyraadka ku jira biyaha Soomaaliya gaar ahaan xeebaha waxaana kulankaani ka qeyb galay dad aqoon u leh sida looga faa’ideysto qeyraadka ku jira badda.