U bood dhigaalka

Admiral Khaliif Idiris “Maamul Goboleedyada Xaq Ayeey u Leeyihiin Iney Xiriirka Ka Jartaan DFS”

Sheeko:Dalka

Admiral Khaliif Idiris Cismaan oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa isaga oo ku sugan gobolka Hiiraan waxa uu sheegay in dowlad goboleedyada xaq u leeyihiin iney xiriirka ka jartaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dowladda dhexe ay ka gaabisay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin gacan siinta maamullada, xoreynta deegaanada gacantooda ka maqan iyo arrimo kale.

Sidoo kale, waxa uu sheegay admiral Khaliif in maamul goboleedyada ay marar badan isku dayeen iney helaan xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda federaalka balse ay ka waayeen.

“Dowlad goboleedyada xaq ayeey u leeyihiin iney xiriirka u jaraan dowladda federaalka sababtoo ah wey ku daaleen, waxaana ay ka heleen farogelin gudaha ah iyo sidoo inaan la helin wadasahqeyntii loo baahnaa” ayuu yiri Amdiralka.

Sabtidii shalay, war-murtiyeed laga soo saaray shirkii u dhaxeeyey madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in hakad lagu geliyey xiriirkii u dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Goobjoog News