U bood dhigaalka

Adna Aadan Ismaaciil Oo Loo Magacaabay Wakiilka Somaliland Ee Wadahadallada Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa Adna Aadan Ismaaciil u magacaabay wakiilkooda u qaabilsan wadahadallada maamulkaasi kula jiro dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Adna Lagu magacaabay, waxaana loo rajeeyey iney kasoo baxdo shaqada loo igmaday.

Adna ayaa horey usoo noqotay wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, waxayna kamid tahay siyaasiyiinta aadka ugu ololeeya in Somaliland ka go’do Soomaaliya inteeda kale.

Halkaan hoose ka akgriso wareegtada Siilaanyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4921/072017 uu maanta ku magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya.

MADAXWEYNUHU:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ku Qancay: Mudnaanta uu Qaranka u leeyahay Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya;

Markuu Arkay: Ahmiyadda ay leedahay in Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysaa taban-taabiso wada-hadalka u dhexeeya labada dal;

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo mas’uul aqoon u leh xidhiidhka Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysa
Markuu Arkay: Qoraalka soo jeedinta ah ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah;

Markuu Ku Qancay: In ay leedahay waaya-aragnimada, aqoonta iyo kartida looga baahan yahay mas’uulka xilkan gudan kara;
Wuxuu go’aansaday In Marwo, Adna Aadan Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya, waxaanay la shaqayn doontaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

DHAMMAAD

Lama oga waxa ay Adna kusoo kordhin karto ama ka bedali karto wadahadallada mudada qaatay ee dhexmaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maaamulka Somaliland ee aaminsan iney Soomaaliya ka go’een.

Goobjoog News