U bood dhigaalka

Adna Aden Ismaciil

Sheeko:War

Edna Aden Ismaciil waxaa ay ka dhalatay qoys aqoon leh oo ka soo jeeda Hargeisa 1937dii, waxaa ay yaraanteeda wax ku baratay Djibouti kadibna waxaa ay deeq waxbarasho ka heshay dalka Ingiriiska October 1954-tii,  iyada soo baratay nursing, Umulisinnimo iyo maamulka Cusbitaallad, waa gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah oo deeq waxbarasho dibadda u aada.

Waxaa kale oo shahaado caadi ah iyo mid sharafeed ka heysataa Jaamacado ku yaalla dalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Koonfur Afrika.

Waxaa ay muddo dheer ka shaqeysay hey’adda caafimaadka ee WHO, waxaa ay markii ugu horreysay ka shaqo bilowday WHO in 1965 iyada oo tagtay Tripoli, Libya halkaas oo ay joogtay 2 sano iyo bar.

1967-dii waxaa uu seygeeda Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal noqday ra’isul wasaaraha Soomaaliya kolkaas oo ay dalka ku soo noqdeen, waxaa lagu xasuustaa iyada oo xaaska ra’isul wasaaraha ah iney ka shaqeyn jirtay Isbitaalka.

Burburkii kadib, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa uu noqday madaxweynaha Somaliland, Edna waxaa ay dagaal la gashay gudniinka fircooniga, waxaa ay safaro ku tagtay Afghanistan, Pakistan, Iraq, Morocco,  Sudan, Yemen iyo dalal kale, markii ay howlgab noqotay 1997-dii, waxaa ay bilowday Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Edna Aden ee magaalada Hargeisa.

2002,  waxaa ay noqotay wasiirka Haweenka ee Somaliland, waxaa kale oo ay qabatay Wasaaradda  arrimaha bulshada iyo sidoo kale wasaaradda  arrimaha dibadda. 2006 Wixii ka horreeyay waxaa ay aheyd Haweeneyda keliya ee Wasiir ka noqotay maamulka Somaliland.

Hadda, Waxaa uu Madaxweynaha maamulka Somaliland u magacaabay iney hor kacdo wafdiga Somaliland u matalada wada haddalada ay kula jiraan dowladda federaalka ah.

March 3, 2015: Wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo fashilmay: Wufuudda ay dowladda Federaalka iyo Somaliland u kala dirsadeen wadahadalka Istanbul, ayaa kusoo kala laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa. Waftiga dowladda Odawaa ayaa hogaaminayey.

Goobjoog News