U bood dhigaalka

Afar Carruur Ah Oo Shuban Biyood Ugu Geeriyootey Sh/hoose

Sheeko:Caafimaadka

Deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka, kaasi oo soo ritey dad badan.

Tuulada Sagaalaad oo kamid ah deegaannada hoostada degmada Afgooye ee Shabellaha Hoose, ayaa lagu soo waramayaa iney ku geeriyoodeen 4 Carruur ah, iyadoo ku dhowaad 20 kalena ay cudurkaasi la il daran yihiin.

Cumar oo ka kamid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, inaanu jirin xarumo caafimaad oo dadkaan lagu daweeyo.

โ€œAfar Carruur ah ayaa shubanka u dhimatay, dad kale waa ay la jiifaan, maleh xarumo lagu daweeyo, dadka iyagaa qarashkooda baxsanaya, maalmahan dambe cudurkaan waa uu socdayโ€

Dhanka kale deegaanno kale oo hoostaga degmada Afgooye waxaa ka jira cudurka Shuban biyoodka, iyadoo sidoo kalena deegaannadan uu ka jiro cudurka Jadeecada.

Goobjoog News