U bood dhigaalka

Afar Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in Afar Qof ay cudurka Shuban Biyoodka ugu geeriyootay magaaladaasi, sidoo kalena ay la il daran yihiin 40 kale.

Dadkan ayaa laga kala keenay dhammaan xaafahada ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne, iyo sidoo kale deegaanno ku dhaw magaaladaasi.

Dr Khadar Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ah Dhaqaatiirta Isbitaalka Baladweyne ayaa u sheegay Goobjoog News in cudurkan uu soo ritay dad badan islamarkaana lagu daweynayo Isbitaalkaasi.

Waxa uu Dr sidoo kale sheegay in dadkan qaarkood laga keenay deegaanno fog oo Baladweyne ah, islamarkaana Isbitaalka dadka ku jira ay u baahanyihiin dawooyin badan.

Dr Khadar ayaa sheegay haddii aan degdeg wax looga qaban cudurkaan shuban biyoodka laga baqayo inuu isku bedalo Daacuun Caloolaha.

Dhinaca kale Isbitaalka Baladweyne oo hadda aanay jirin hay’ad si rasmi ah gacanta ugu haysa ayaa waxaa ka jirta dawo yari baahsan, waxaana dhaqaatiirtu sheegeen in dawooyin loo baahan yahay.

Goobjoog News