U bood dhigaalka

Afar Qof Oo Ku Dhimatay Rasaas Lagu Furay Gaari Dhaawac Siday Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa gaari dhaawac waday oo lagu rasaaseeyay gudaha magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Gaarigaan ayaa la sheegay in ruux dhaawac ah uu ka qaaday Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaasi oo loo sii waday Isbitaal halkaasi ku yaallay.

Waxaa la sheegay in ciidan hubeysan ay rasaas ku fureen gaariga, iyadoo halkaasi ay ku geeriyoodeen Afar qof oo ka mid ah dadkii dhaawaca waday, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Shan kale, sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dadka rasaasta furay, wararka qaar waxay sheegayaan inay ahaayeen ciidan ka tirsan maamulka Puntland, islamarkaana gaariga dhaawaca waday ay ka shakiyeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News