Afar Qof Oo Ku Geeriyootay Qarax Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Lagula Eegtay Deegaanka Lafoole Ee Sh/hoose

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax Miino goor dhaw halkaasi lagula eegtay askar ka tirsan ciidanka dowladda kuwaasi oo halkaasi marayey.

Miinadaan ayaa la sheegay inay ku aasneyd dhulka, waxaana ay ku qaraxday mid ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo ay la soceen askartaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku geeriyootay Afar askari iyadoo Lix kalena dhaawac uu soo gaaray.

Cabdullaahi Ciise oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka deegaanka Lafoole ayaa u sheegay Goobjoog News in askarta qaraxan lala eegtay ay ka mid ahaayeen kuwa xoogga dalka Soomaaliya.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo kale oo dowladda Federaalka ah, kuwaasi oo wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW