U bood dhigaalka

Afar Qof Oo Ku Geeriyootey Dab Ka Kacay Hoygooda, Deegaanka Bandiiradley Ee Mudug

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dab xalay saq dhexe qabsaday hoy ku yaalla deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug, kaasi oo ay deganaayeen qoys ka kooban 8 ruux.

Inta la xaqiijiyey waxaa dabkaasi ku geeriyootey 4 carruur ah, waxaana ku dhaawacmay Labo ruux kale oo hooyada qoyskaasi ay ku jirto.

C/risaaq Axmed Jaamac, guddoomiyaha deegaanka Bandiiradley oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in ay arrintani u xireen ruux ehel la ah qoyska, kadib markii looga shakiyey in dabka uu qabadsiiyey gurigaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sababta ay u xireen ruuxaasi ay tahay kadib markii hooyada dhaawaca ah ay sheegtay in uu yahay walaalkeed misane habeen kahor dhan uu u hanjabayey.

“Waxaa dhacday arrin argagax leh, qoys dhan ayaa xilli dhexe dab qabsadey, dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed baa ka dhacay, Saddex wiil iyo gabar baa meesha ku dhintey, gurigana wuxuu ka sameysnaa cowshado” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dadka ku dhaqan deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug ayaa aad u hadal haya dhacdadan, iyadoo shaqsiga arrintan loo hayana uu sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn.

Goobjoog News