U bood dhigaalka

Afduubka Maraakiibta Oo Soo Badanaya, 4 Markab Muddo Bil Ah

Sheeko:Dalka

Waxaa xeebaha Soomaaliya ku soo badanaya afduubta maraakiibta, Isniintii keliya waxaa la afuduubtay illaa labo(2) doon, arrintaas oo ka dhigeysa in dib u soo noqoto walaacii laga qabay burcad badeedda Soomaalida.

Labada doon ee la afduubtay waxaa la sheegayaa in mid laga lahaa dalka Hindiya, isla markaana ay saarnaayeen 11 qof oo shaqaale ah, Doontan ayaa la sheegayaa in ay ku sii jeeday Kismaayo.

Guddoomiyaha Degamada Hobyo Cabdullaahi Axmed Fahad oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa xaqiijiyay in Doontaasi ay hadda kooxihii afduubtay soo gaarsiiyeen xeebaha u dhexeeya Hobyo iyo Xarardheere.

Doonta labaad oo isla shalay la afduubtay warar dheeraad ah lagama hayo laakin sida uu u  sheegtay VOA-da, John Steed oo ka tirsan hay’adda Oceans Beyond Piracy ayaa sheegay in doontan labaad uu iska leeyahay ganacsade u dhashay dalka Pakistan balse aan weli la ogayn shaqaalaga saaran, halka ay ka timid iyo meesha ay u socotay.

Labadii Bil ee la soo dhaafay illaa 4 doon ayaa lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, waxaa jirta khatar ah in buracdda ku soo badanayaan min Caluula oo ah Puntland iyo Xarardheer oo ah Galmudug.

Soomaaliya malaha ciidan ilaaliya xeebaha halka midowga Yurub oo muddo 10 sano ah xeebaha ay joogay ay is dhigteen kadib markii buracadda meesha ka baxday 2011-kii,  soo rogaalcelintan burcadda waxaa ay  khatar ku noqon karta isu socodka ganacsiga geeska Afrika.

Goobjoog News