U bood dhigaalka

Afey Oo Booqday Xeryaha Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Wakiilka gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga dalalka geeska Africa Maxamed Cabdi Afey oo gaaray xeryaha Dhadhaab ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool xeryahaasi.

Waxa uu si gaar ah ula kulmay dhallinyarada waxbaratay ee Dhadhaab io sidoo kale mas’uuliyiinta xeryaha ku yaalla halkaasi.

Dhallinyarada dhammeysay dugsiyada sare ayaa u sheegay Afey ineysan haysan fursadaha waxbarasho ee Jaamacadaha.

Ugu dambeyn Afey ayaa qiray in dhallinyarada Dhadhaab u baahan yihiin in laga caawiyo jaamacadaha, isaga oo sheegay in waxyaabaha uu soo arkay u gudbin doono caalamka.

“Waxaa inoo so baxday iney baahi jirto dhallinyaro badan oo wax bartay kuna nool xeryaha aysan daruuf darteed tacliinta sii wadi waayeen, waxaa muuqata iney rajo beelayaan, furasadaha jaamacadaha aad iyo aad ayeey u yar yihiin, waxaan halkaan u imid in aan caalamka u sheegno in dhibaato u baahan wax laga qabto iney jirto” ayuu yiri Afey.

Dhallinyarada ku nool xeryaha Dhadhaab ayaa markii ay ka baxaan dugsiyada sare waxa aanay fursad u helin iney sii helaan waxbarasho Jaamacadeed.

Goobjoog News