U bood dhigaalka

Afey “Waxaan Rajeyneynaa In Doorashada Soomaaliya Waqtigeeda Ku Dhacdo”

Sheeko:Dalka

Wakiil ururka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada Soomaaliya ay ku dhacdo waqtigii loogu talo galay.

Wuxuu sheegay Mr Afeey in Madaxda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in waqtigii lagu ballamay ay doorashada ku dhacdo, islamarkaana ka urur ahaan ay iyaguna arrintaasi rajo ka qabaan.

Sidoo kale Afey ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya ka dhacaysa ay tahay mid aad u muhiim ah, islamarkaana u muhiim ah guud ahaan gobolka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Doorashadaan waa mid aad u muhiim ah shacabka ayeey muhiim u tahay, gobolka ayeey muhiim u tahay, nabadda iyo dowladnimada ayeey muhiim u tahay, madaxda waxay aad u sheegeen in waqtigii loogu talogalay ku dhacdo doorashadan, beesha caalamkana waxay ka codsadeen in wixii taakuleyn ah ee doorashada la siinayo si toos ah Soomaaalida loo siiyo, ciidamada AMISOM  iyo kuwa Soomaalida waxay ku dhiirogeliyeen in nabadda adkeeyaan, marka waxaan rajeyneynaa in doorashadaan waqtigeeda ku dhici doonta”

Dalka waxaa dhowaan ka billaaban doona doorashooyinka dadban, iyadoo lasoo dooran doono aqallada hoose, Sare iyo sidoo kale madaxweyne.

Goobjoog News