U bood dhigaalka

Afgambi Fashilmay Oo Ka Dhacay Dalka Turkiga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay saakay inuu fashilmay isku day Inqilaab Milatari oo lala damacsanaa xukuumaddiisa, iyadoo madaxweynuhu uu ballan ku qaaday in dadkii ka dambeeyay la ciqaabi doono cidday doonaanba ha noqdaane.

Erdogan ayaa sheegay inuu Afgambigan ka dambeeyaan taageerayaal Fethullah Gulen, oo ah mucaarad ku nool dalka Mareykanka. Erdogan waxa uu ballan ku qaaday in ciidanka laga safeyn doono waxa uu ku tilmaamay canaasir argagixiso ah oo gudaha ciidanka ku jirta.

“Waxaan ku guda jirnaa shaqadeenna, dowladda Turikigana uga tageynno dad fallaago ah” ayuu yiri Madaxweynaha

Isku daygan afgambi ayaa waxaa hormuud ka ahaa saraakiil sarsare oo ka tirsan hoggaanka ciidanka Turiga, iyadoo uu   dhicisoobay ayaa waxaa ku dhintay 60 qof, 300 oo kalena way ku dhaawacmeen.

Afgambigan waxaa hogagaaminayey saraakiisha hoggaanka u haysay ciidamada cirka iyo kuwa dhulka ee Turkiga.

Dhinaca kale hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Turkiga Fethullah Gulena ayaa diiday inay ka dambeeyaan inqilaabkan lagu eedeeyay.

Goobjoog News