U bood dhigaalka

Afgambi Nooc Cusub: Boqor Salmaan-ka Sacuudiga Oo Wiilkiisa Ka Dhigay Dhaxal Suge

Sheeko:Dalka

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdi Caziz ayaa sameeyay afgambi dastuuri ah kadib markii uu dhaxal sugihii 1aad Amiir Maxamed Bin Nayif uu xilka ka qaaday isaga oo jagadaasi ku wareejiyay wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdi Caziz.

Wiilka Salmaan Maxamed Bin Nayif marka laga soo tago dhaxal suge, waxaa kale uu isku heystaa jagooyinka kala ah ra’isul wasaare ku xigeen , wasiirka Gashaandhigga iyo jagooyin kale, waana ninka ugu awoodda badan hadda Sacuudiga.

Waxaa kale jagada laga qaaday rag badan oo ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga.

Goobjoog News