U bood dhigaalka

Afghaanistaan: 130 Askari Oo Lagu Dilay

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 130 askri ayaa lagu dilay waddanka Afghaanistaan ka dib markii ururka Daalibaan uu weerar  ku qaaday saldhig millatari oo ciidamada Afghaanistaan ay ku jireen.

Weerarkaan ayaa waxa uu ka dhacay saldhig ku yaallo meel u dhaw magaalada Mazar-i-Sharif ee ku taallo  waqooyiga waddanka Afgaanistaan.

Mas’uuliyadda weerarkaan ayaa waxaa sheegtay ururka Daalibaan oo iyagu dagaal kula jira xukuumadda Afghaanistaan, weerarka ayaa waxa uu ku bilowday qaraxyo baabi’iyay difaacyada saldhigga.

Dhanka kale afhyeen u hadlay ciidamada Afghaanistaan ayaa waxa uu sheegay in kooxaha weerarka geestay ay ku labisnaayeen dharka ciidamada kuwaas oo soo dhaafay baraha contarool oo ciidamada ay leeyihiin, waxa uu intaas ku daray in toban ka mida raggii weerarka soo qaaday la dilay .

Wararka ayaa waxa ay sheegyaan in saldhigga la weeraray ee ku yaallo Mazar-i-sharif inay ku jireen ciidamo u dhashay waddanka Jarmalka, sidoo kale saldhiggaan ayaa waxaa inta badan isticmaala dowlado shisheeye.

Dowladda Afghaanistaan oo ay taageeraan dowladaha reer galbeedka ayaa waxay dagaal kula jirtaa muddo dheer ururka hubaysan ee Daalibaan iyo kooxo kale .

Goobjoog News