U bood dhigaalka

Afghanistan Oo Gacanta Ku Dhigtay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Daacish

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiinta Amniga ee dalka Afghanistan  ayaa sheegay in ay qabteen labo qof oo looga shakisanyahay in ay yihiin hoggaamiyeyaasha ururka Daacish ee caasimadda Kabul.

Waxa ay intaas ku dareen in labada qof  oo ay qabteen  lagu kala magacaabo Cumar oo ah madaxa howlgallada ururka ee magaalada Kabul, iyo Ixsaanullah oo asna qaabilsan qorista iyo askareynta dadka ku soo biira ururka Daacish.

Labadan qof oo ay qabteen laamaha amniga Afghanistan ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah uu wato dhalashada dalkaas.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay warbaahinta u soo bandhigeen canjalad muujineysa in labadan qof ay xiriir la leeyihiin ururka Daacish.

Labadan qof ayaa la rumeysanyahay in ay lug ku lahaayeen qaraxyo iyo weerarro ka dhacay Masjid ku yaalla Magaalada Kabul, kuwaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 30 qof.

Goobjoog News