U bood dhigaalka

Afgooye: Burcad Weerar Sababay Dhimasho U Geysatay Dad Beeraley Ah

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in koox burcad ah ay xalay weerar ku qaadeen dad beeraleey ah waxa ayna halkaasi ku dileen mid ka mid ah dadkii ay weerareen.

Kooxda weerarka geysatay ayaa la tilmaamay in ay ku hubeysnaayeen tooreeyo, waxa ayna beertiisa ku dhaawaceen Cumar Nuur  kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Dilka marxuumkan ayaa yimid ka dib markii kooxda burcadka ahayd sida la sheegay ay taleefankiisa ka waayeen lacag iyaga oo markaasina kula dhaqaaqay jirdil sababtay in uu aakhirkii u geeriyoodo.

Kooxdii burcadka ahyd ayaa isga baxsaday goobta mana jirto baadi goob ay sameeyeen laamaha amaanka ee magalaada oo lagu soo qabanayo raggaasi.

Ma aha markii ugu horeysay oo fal caynkaani oo kale ah uu ka dhaco degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha hoose.

Goobjoog News