U bood dhigaalka

Afgooye: Dad Shacab Ah Oo Guryahooda Lagu Dilay

Sheeko:Dalka

Shan qof ayaa siyaabo kala duwan xalay loogu dilay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Dadka la dilay waxaa ku jira nabadoon magaciisa lagu soo koobay Carrabeey oo si weyn looga yaqaanay degmadaasi Afgooye, waxaana sidoo kale seddex kamid ah dadka la dilay ay yihiin Hal qoys.

Waxaa sidoo kale xalay degmadaasi laga maqlayey rasaas aan la garanaynin illaa iyo hadda cidda ay u dhaxaysay iyo khasaaraha ka dhashay.

Rag hubeysan ayaa dilalkani fuliyay markii shantaasi qof ay guryahooda ugu galeen, dadka shacabka ah ayaana durba ay soo wajahday cabsi markii dilalkaasi iyo rasaastaasi ay magaalada ka dhaceen.

Saqdii dhexe ayaa la maqlayay rasaas u muuqatay in laba dhinac ay isku adeegsanayso hase yeeshee wax faah faahin ah maamulka ma uusan ka bixin.

Dilalkani xalay ka kala dhacay degmada Afgooye ayaa ku saleysan aano qabiil waxaana dadka la dilay qaarkood la soo sheegayaa in la isugu aarayay.

Dagaal beeleed ayaana laga cabsi qabaa in Afgooye uu ka qarxo iyadoo xaaladda aynaan cago badan ku taagnayn.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News