U bood dhigaalka

Afgooye: Laba Qof Oo Shacab Ah Ayaa La Dilay

Sheeko:Amniga

Askari ka tirsan dowladda federaalka ayaa laba ruux oo shacab ah maanta ku toogtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ay Goobjoog News ka heleyso degmada Afgooye ayaa sheegaya in dilka labadaani ruux uu yimid muran dhex maray askariga dilka geystay iyo labada marxuum.

Labada marxuum ayaa Goobjoog News loogu kala sheegay nin baabuureey ahaa oo Kirishbooy na loogu sheegay iyo nin ganacsade Qaadle ah.

Meydka labada qof ee shacabka ayaa la dhigay saldhigga booliska degmada Afgooye.

Inta badan magaalada Muqdisho iyo goobaha ay ciidanka dowladda kaga sugan yihiin gobollada dalka ee Koonfurta iyo Bartamaha ayaa had iyo goor waxaa ka dhaca dilalka noocaani oo kale ah kuwaasoo muran dhex mara kaddib yimaada.

Maamulka degmada Afgooye oo xiriir ay la sameeysay Goobjoog News ayaa u suurtagalin in qadka telfoonka ay ku hesho.

Shalay, ayay ahayd markii laba ruux oo kala ah rag iyo dumar oo kamid ah ergadii soo xushay baarlamaanka 10aad ee dowladda federaalka markii lagu khaarajiyay gudaha degmadaasi.

Goobjoog News