U bood dhigaalka

Afgooye: Labo Ruux Ayaa Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Labo ruux oo galabta koox hubeysan ay ku dishay degmnada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose

Dilalka loo kala geystay labadani ruux ayaa ka kala dhacay laba xaafad oo isla degmada Afgooye ah.

Labada qof ee la dilay ayaa kala ahaa rag iyo dumar waxaana xaafadda Ceelqode ay kooxda hubeysan ku dileen ninka halka Haweeneeyda  lagu dilay xaafadda Daahisooy.

Dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in dableeyda dilalka fulisay oo mooto Bajaaj ku socday ay baxsadeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada ruux ee Afgooye lagu dilay ay kamid yihiin ergadii soo xushay baarlamaanka Soomaaliya.

Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaan wali wax faahfaahin ah ka bixin dilalkani galabta ka dhacay degmadaasi.

Ciidanka ayaa dilka kaddib sameeyay howlgallo lagu sheegay in ammaanka ay ku sugayaan.

Goobjoog News