U bood dhigaalka

Afgooye: Maamulka degmada oo baadi goobaya askari dil geystay

Sheeko:War

Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada federaalka Soomaaliya baadi goob ay ugu jiraan sidii gacanta ay ugu soo dhigi lahaayeen askari dil ka gaystay Degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Afgooye Xaaji Gaabow ayaa sheegay in ay ku rajo wayn yihiin in Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya gacanta ay ku soo dhigaan askariga dilka ka gaystay Degmada.

Intaa waxa uu raaciyay Guddoomiyaha Degmada in ammaanka aysan wax qal qal ah u keeni doonin dilka ka dhacay Degmada.

Maamulka degmada Afgooye ayaa dhowr mar ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaal degmadaas ka geystay falal dil ah.