U bood dhigaalka

Afgooye oo laga bilaabayo howlgal lagu bur burinayo dhismooyinka sharci darada ah (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Afgooye ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan degmadaasi ay ka bilaabi doonaan howlgal culus oo la sheegay in gabi ahaan lagu bur burin doono dhismooyinka sharci darada ah ee degmadaasi ku yaala.

Xaaji Gaaboow oo ah gudoomiyaha degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ciidamada amaanka ay ka howlbilaabi doonaan degmada oo dhan, islamarkaana dhismo walba oo sharci daro ah la bur burin doono.

Ka maamul ahaan ayuu sheegay in aan loo dulqaadan doonin dhismooyinka wadooyinka lagu dhiso, iyo sidoo kale meelaha loo yaqaano Obasiibo, ama guryaha is dul saaran.

Xaaji Gaaboow ayaa tilmaamay in laga baxay fadhiid uu sheegay in horay maamulkooda u ahaa, hadana loo soo jeestay dib u dhiska iyo sidoo kale qurxinta degmada Afgooye.

Shacabka ku dhaqan guud ahaan degmada Afgooye ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan bilic kusoo celinta degmada, lana shaqeeyaan maamulkooda.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog Fm