U bood dhigaalka

Afgooye Oo Laga Mamnuucay Isticmaalka Mootada Fekon!

Sheeko:Amniga

Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo mootooyinka loo yaqaan Fekon in lagu dhex wado gudaha degmadaasi.

Waxaa wareegtadan lagu sheegay in maanta wixii ka dambeeya gudaha degmada Afgooye aanay ka shaqeyn karin mootooyinkaasi.

Sababaha loo mamnuucay ayaa la sheegay iney tahay arrimo amni, islamarkaana dhibaatooyin badan lagu geysto.

Waxa ay tani saameysay dad badan oo ku shaqeysan jiray Mootadan, kuwaasi oo shaqo abuur u noqotay waayadan dambe.

Goobjoog News