U bood dhigaalka

Afhayeen Cusub oo Loo Magacaabay Taliska Booliska Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Qoraal ka soo baxaya taliska guud ee booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay afhayeen cusub kaas oo u hadli doona taliska.

Cabdi Xasan Maxamed Xijaar taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya aya dhame Sadiiq Adan Cali (Duudishe) u magacaabay inuu noqdo afhayeenka guud ee booliska dalka.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in uu ciidanka booliska ku soo biiray sanadkii 2007-dii islamarkaana uu soo dhameystay layli sarkaal oo saddxe sanno ah.

“Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa Afhayenka Ciidanka u magacaabay Dhame;- Sadiiq Adan Cali (Duudishe). Sarkaal ayaa Ku Soo biiray Ciidanka sanadkii 2007-dii. Isla markaana Soo dhameystay Layli Sarkaal mudò dhan 3sano dalka dibadiisa. Afhayenka ayaa Ku hadla luuqadaha English, Taliyaani iyo Carabi Marka laga reebo afka hooyo. Sarkaalka ayaa Ka Soo shaqeeyay guud ahaan fadhiyada Ciidanka, Soona qabtay xiriiro dowlado Ciidanka taageera, isaga oo Soo qabtay shaqooyin kala duwan, hadana xubin firfircoon u’ah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxaya taliska booliska.

Taliyaha ciidanka booliska ayaa maalmihii dambe waday magacaabisyo kala duwan kuwaas oo lagu tayeynayo ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Goobjoog News