U bood dhigaalka

Afhayeenka AMISOM Oo Goobjoog Uga Warramay Howlgalka Cusub, Kala Wareejinta Ciidamada AMISOM Iyo Jihada Itoobiya

Sheeko:Dalka

Ciidamada AMISOM ayaa lagu wadaa in todobaadyada soo socda dib-u-dejin iyo isku-xir ciidan lagu sameeyay ka hor howgal-ka ka dhan ah xarakada Al-shabaab.

Madaxa AMISOM Francisco Madeira  ayaa sabtidii sheegay in kala wareejinta ciidamada AMISOM ay qeyb ka tahay istaraatiijiyad guud iyo mas’uuliyaad ay la wadaagayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madeira waxaa uu intaasi ku darayaa in isbaladdan ka socda Sectorada ay ku aadeen ciidamada Itoobiya oo ka soo gudbay xadka iyo mas’uuliyadda meelaha qaar lagu wareejin-doono ciidamada xoogga dalka, waxaa uuna carabka ku adkeeyay in aaney wax saameyn ah ku yeelan-doonin amniga dalka.

Afhayeenka  AMISOM Lt. Col Wilson Rono oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa waxaa uu sheegay in arrimaha kala wareejinta ciidanka ay saameyn-doonto Sector 3 ee maamulka Koonfur Galbeed halkaasi oo ay ku soo wajahan yihiin ciidamada Itoobiya.

Mar uu ka jawaabayey su’aal aan ka weydiinay  in ciidamada Itoobiya ee dalka soo galay ay AMISOM ku jiraan iyo in kale, waxaa uu sheegay in aanu hubin arrinkaasi balse waxaa uu intaasi ku daray in uu jiro heshiis u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowladaha Kenya iyo Ethiopia kaas oo lagu sharciyeeyay in Soomaaliya joogi karaan non-Amisom troops ama ciidamo aan ka tirsaneen AMISOM.

“Waad ogtahay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu Ethiopia tagay todobaadkii hore, waxaa dhici karta in ay arrimaha ciidamada ka wada hadleen” sidaasi waxaa yiri Wilson Rono.

Dhinaca kale Lt. Col Wilson Rono waxaa kale uu Goobjoog News u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu amar siiyay ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM in loo diyaar-garoobo howl-gallo ka dhan Al-shabaab.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Cusmaan Nuux Xaaji oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu ka hadlay in ciidamada Itoobiya ee dalka soo galay ay ku soo jeedaan Shabeellada Hoose oo ay iman-doonaan illaa degmada Afgooye iyaga oo halkaasi ku sugi-doono amar dagaal.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada