U bood dhigaalka

Afhayeenka AMISOM Oo Shaqadii Laga Joojiyay

Sheeko:Dalka
Kornayl Cali Aadan Xumad
Kornayl Cali Aadan Xumud

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in shaqadii laga joojiyay Afhayeenkii ciidamadaasi Korneel Cali Aadan Xumud.

War-saxaafadeedka oo koobnaa ayaan lagu sheegin ulajeedka ka dambeysa shaqo joojinta Afhayeenka.

Dhinaca Kale Goobjoog News ayaa la hadashay Korneel Cali Aadan Xumud, waxa uu inoo sheegay in aanu ogeyn meel xilka looga qaaday.

“Sida aad u maqsheen ayaan aniguna u maqlay, mahayo war kale oo intaa ka dheer” ayuu kusoo gaabsaday Xumud.

Sidoo kale waxa aynu isku daynay in aynu wacno Eloi Yao oo ah shaqsi warqadda War-saxaafadeedka lagu soo qoray in uu yahay Afhayeen, hase ahaatee waa uu dansanaa Taleefankiisa.

Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka Oo Aynu Soomaali Ku Micneenay:-

Midowga Afrika waxa uu halkaan ka cadeynayaa in korneel Cali Aadan Xumud aanu ahayn Afhayeenka AMISOM.

Sidaa darteed AMISOM waxay iska fogeyneysaa warbixin kasta oo kasoo baxda Korneel Cali Aadan Xumud, hadii ay dhacdo in uu hadlo, waa ra’yigiisa shaqsiga ah, mana loo arki karo in uu xil u hayo AMISOM.

Wax walba oo ku saabsan AMSIOM  waxaa lagala xiriir karaa  Eloi Yao.

Goobjoog News