U bood dhigaalka

Afhayeenka ciidamada AMISOM  Oo Beeniyay In Ciidankooda  ay Dileen Dad Rayid Ah

Sheeko:Dalka

Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Jeo Kibet oo la hadlay Idaacadda Goobjoog FM ayaa sheegay in ay beenyihiin warar sheegaya in xalay hoobiyayaal lagu weeray xeradda Xalane oo ah xarunta  ugu weyn ciidamada midowga Afrika ee magaladda Muqdisho mar aan arrintaa wax ka weydiinana waxa uu yiri.

Waan maqalnay arintaa waxa dhacana waxa ay ahayeen abaarihii 940 fiidnimo waxaan maqalnay qaraxa ka dhacay banaanka xeradeena mana ogeen waxa uu qaraxu ahaa markii waagu uu baryey ayaan dad u dirnay si ay u soo ogaadaan waxa dhacay waxaa naloo sheegay waxa meesha ku dhacay in uu ahaa hoobiye la soo tuuray, balse waxa uu kadhacay banaanka xeradeenna wax khasaare ah oo ka dhashayna majiraan cidna wax kama soo gaarin xittaa cid rayad ah wax ma gaarin.

*Waxaan weydiinay in ay ka warhayaan cidda ka dambeysay werarkii hoobiye ee xalay waxa uuna ku jawaabay.

Wali waxaan war ka sugeyna laamaha boolisk dowladda somaaliya  si ay iyagu uga hadlaan waxa dhacay haddana waxa ay wadaan baaritaan,

Afhayeenka ciidamada Amisom Gaashaanle Dhexe, Jeo Kibet ayaa dhinaca kale ka hadlay warar ay sheegeen gaarka mid ah warbaahinta dalka oo sheegayey in ciidamada Amisom ee saldhigoodu yahay gobolka Shabeellaha dhexe ay dileen dad rayad ah oo ku sugnaa deegaan hoos taga Magaaladda Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe  waxa uuna yiri.

Warkaas saakay ayaan arkay waxaan la yaabay waa war been ah oo aan sax aheyn waana eedeyn been ah.waxaan la hadalnay ciidamadeenna halkaa jooga waxa ay noo sheegeen in dhacdada nuucaas ah ayeysan halkaa ka dhicin ,,waxaan la yaabnay sida warka nuucaas ah uu ku imaan karo,haddii aad sheegeyso arrintaa oo kale waa in aad la timaadaa cadeymo iyo magacyada dadka la dilay iyo warka meesha laga helay, arrinta aan maqalneyna waa ay naniyad jabineysa maxaa yeelay waxaan leenahay warbaahinta wadashaqeyn dhow. Waxaana ka fileynaa haddii warkan oo kala ay sheegayaan in ay raaciyaan daliilo iyo cida ay sheekada ka soo xigteen.

Afhayeenka ayaa dhinaca kale xusay in ay wadanaan howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo isaga oo yiri

Amisom waxa ay wadaa holgaladeedii caadiga ahaa oo ay wadaan dhammaan qeyba ee koonfurta iyo bartamaha Somalia, waxaan la shaqeyneynaa ciidamada dowladda waxaana ka gaarnay  guulo isdaba jooga xarakadda Alshabab, taas oo sabab u noqotay shacabka Soomaaliyeed in howlahoodii dib ugu laabtaan dalkoodana ay dhistaan

Wareysiga waxaa qaaday Axmedweli Xuseen, Goobjoog News