U bood dhigaalka

Afhayeenka GDDF“Ma Rajeynayo In Mar Kale Uu Dib u Dhac Ku Yimaado Barnaamijka Doorashooyinka”

Sheeko:Dalka

Afhayeenka guddiga doorashada dadban ee federaalka ah Mudane Maxamed Keynaan oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa meesha ka saaray in ay mar kale dib u dhigaan doorashada 2016-ka.

Mr. Keynaan ayaa sidaa sheegay mark uu jawaabayey su’aasha ah: Ma laga yaabaa in doorashada ay mar kale dib u dhigaan?

“Ma rajeynayo, dhowr mar ayaan arrintaa ka hadlany, waa sababeyney waqtigii iyo khilaafaad siyaasadeed oo markaa taagnaa oo guddiga khilaafaadka ugu weynaa  ayaa jiray…..Mmam waxyaalo waxaa jiro in waqtigooda laga hadlo laakin inaga hadda ma rajeneyno, mana ku talojirno in dib u dhac uu ku yimaado doorashada”

Keynaan oo si hadlaya waxaa uu sheegay in ay jiraan Maamullo shaqo qabtay“Waxaan kaloo rabaa in aan iftiimiyo, hadda dowlad goboleedyada, ergooyinka golaha shacabka, magaalada Kismaayo 50% ergadii waa diyaar, sidoo kale Koofur Galbeed, meelaha kale waxaan rajeynayaa todobaadkan gudahiisa, ilaa 10-ka ayaa la dhahay, waxaa muuqato in shaqada meel fiican ay mareyso, marka ma rajeynayo in mar kale uu dub u dhac ku yimaado barnaamijka doorashooyinka”.

Waxaan sidoo kale weydiiney Cidda Maamuleysa Lacagta Doorashada, isagoo ka jawaabaya waxaa uu yiri“Arrinkan waxaa rabaa in aan si wanaagsan u iftiimiyo, inaga wal-walka aan ka qabno haddii aan nahay guddiga doorashooyinka dadban ee heer federal waa in si daah furnaan ah, loo maamulo lacagaha loogu talogalay doorashooyinka, marka lacagaha waa labo qeyb, qeyb waa lacagaha ay ku deeqayaan beesha caalamka, lacahooda UNDP ayey u diibeen, marka haddii dowlad goboleedyada ay qarash galaan, waxaa ay la soo xiriirayaan guddiga doorashada kadibna waxaa loo gudbinayaa, UNDP-da ayaa hubineysa kadib lacagta sidaas ayey ku bixineysaa”

“Innaga middaas taba taagan ayaa Lacaga Murashaxiita waxaa lagu shubayaa Akoonka Dahabshiil ee, waa Akoon aan lacag lagala bixi Karin, kadib lacagaha marka lagu shubo halkaas waxaa lagu wareejinayaa UNDP, marka lacagaha oo dhan waxaa maamulaya UNDP-da”

Waxaa kaloo weydiiney in laga yaabo in qarashka dooarshada uu ka bato inta loogu talogalay ee 14-ka Milyan ah, isagoo su’aashaad ka jawaabaya waxaa uu yiri

“Niyahow hadda qarashkaas waa sidii loo qoondeeyay, ma ogin in ay ka badnaan doonto iyo in ay ka yaraan doonto, laakin waxaan rabnaa in miisaaniyadda sidii loo dajiyay lagu maamulo, mana rajeneyno in aad ugu yaraato, mana ka badan karto dabcan”

Arbacadii guddiga ayaa labo maalin u qabtay maamul goboleedyada dalka si u soo gudbiyaan liiska murashaxiinta aqalka sare ee sanadkan 2016-ka.

Goobjoog News