U bood dhigaalka

Afhayeenka Kornel Barre Hiiraale oo beeniyay in ay liidato xaalada ciidamada Hiiraale

Sheeko:Dalka

Sarkaal u hadlay Kornel Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa meesha ka saaray jiritaanka warar la xiriira in ciidamada ka amar qaata Barre ay wajaheen xaalad adag wixii ka dambeyay markii heshiis ay wada gaareen hogaamiyaha maamulka kumeelgaarka Jubba iyo Barre Hiiraale.

Cabdi Rashiid Macalin Gaas oo ah afhayeenka hogaamiye kooxeed hore Barre Hiiraale ayaa sheegay in ciidamadan ay haystaan dhammaan adeegyada ay u baahanyihiin.

Shaqsiyaad gaar ah ayuu sheegay afhayeenka in ay faafiyeen in ay aad u liidato xaalada nololeed ee ciidamada ka amar qaata Barre Hiiraale.

Kornel Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa bishii hore ogolaaday in uu ka qeyb galo wajiga labaad ee shirka dib u heshiisinta beelaha dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo kaas oo lagu wado in dhowaan lagu qabto magaalada Kismaayo.

Hoos ka dhageyso codka Cabdi Rashiid Macalin Gaas: