U bood dhigaalka

Afhayeenka Murashaxiinta: Waxaan Ka war Qabnaa in Dowladdu ay ku Mashquulsantahay in ay Xaraashto Ceelashii Saliidda 

Sheeko:Amniga

Xubnaha midowga Musharaxiinta oo maanta Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa kulankooda kadib waxaa ay soo saareen bayaan ku aadan xaaladaha guud ee dalka iyo doorashooyinka, waxaana ay sheegeen inuu dalku wajahayo xaalad qatar ah, kulankan ayaa jooga kulamo muddooyinkii la soo dhaafay musharixiinta uga socday Muqdisho.

Afhayeenka midawga musharixiinta xilka madaxweynanimo ee soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed oo shir jaraa’id u qabtay warabaahinta wixii kasoo baxay kulanka, isagoo ugu horeyn ka ahadlay xaaladaha guud ee dalka waxaana uu yiri “waxaa iminka noo cadaatey in dalka uu xaalad adag ku jiro , amnigii aynu wada ogsoonahay in malmahaan qaraxyo magaalada ka dhaceen , waxa aynu kaloo ogsoonahay in hadda Mareykanku uu soo saaray in mareykanku uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaalia, taas oo aan isleenahay waa qeyb ka mid ah siyaasad xumada dowladda , waxa ayna sii kordhin doontaa xaaladda amni ee dalka”.

Afhayeenka ayaa sidoo sii hadlayo ayaa ka hadlay xaalada ciidamada AMISOM iyo sida dowladdu ugu fashilantay in waqtigii loogu talo galay ay ku baxaan “ waxaaynu kaloo ognahay in  mandate-ka ciidamada AMISOM oo uu waqtigooda dhowyahay iyo doorkii looga baahnaa dowladda in ay qaadato  oo aan qorsha cad ka laheyn, waxaan arkaynaa in qas iyo qalaaso ay ka jiraan state-yada oo aysan ka marneyn dowladdu faro gelin badan ay ku heyso,

Dhankale Shirka midowga musharaxiinta ayaa looga hadlay xaaladda ka soo cusboonaatay gobolka Hiiraan iyagoo baaq diray waxaana uu  yiri ” Xaaladda gobolka Hiiraan ka taagan oo dadka walaalaha ah oo shacabka ah, annaga oo ugu baaqeyna in xasilooni iyo waanwaan wax klagu dhammeeyo, haddana ay keeni karto in dooashadu ay dib u dhacdo, waxaana arrintaas aan ka soo saari doonaa bayaan xaaladda ka taagan hirshabeelle ama gobolka hiiraan”.

Dhinaca kale waxaa jirka jaraa’id eedeyn loogu jeediyey dowladda waxaana musharaxiintu ay sheegeen in dowladdu ay xaraasheyso dhaqaalaha kheyraadka da ka “Waxaan ka war qabnaa in dowladdu ay ku mashquulsantahay in ay xaraashto ceelashii saliidda  oo muddo howshaas laga shaqeynayey process in deynta la cafiyo habrabraaca dhaqaale ee dalka lagu maamulayo, laakiin ay hadda muuqato wafdi uu ku jiro wasiirka macdanta iyo guddigii la magacaabay iyadoo xukuumaddii dhacday in ay u anbobaxeen in ar xaraashaan ama dulaalaan bolck  nuucaas oo kale ah arrintaas waxaana kasoo saari doonaa statement waxaa cad in loo dhaqaaqay in la raadsado dhaqaale doorashada lagu galo ”.

Ugu dambeyn shirka Jaraa’id ee kasoo baxay ee lagu khriyey bayaanka Musharaxiinta ayaa waxaa baaq loogu jeediyey dowladda federaalka ku aadan doorashooyinka waxaana  lagu yiri gabangabada” waxaan ugu baaqeynaa dowladda federaalka soomaalia in ay ka waantowdo in la abuuro xaalad aan dalkaan la mahdin oo doorasho sax ah aan la qabanin oo ilaa iyo hadda go’aannadii aan soo saaranay wax jaawaab ah aysan dowladdu ka bixin oo aad moodo in dowladdu rabto in ay horay ugu socoto qorshaheedii ahaa in iyadu doorashada sida ay rabto ay u dhacdo oo ay u maamulato, waxaan rabnaa inaan idiin sheegno oo u madda soomaaliyeed aan ugu baaqno dalka waxaa caado ah in afartii sano mar doorasho la qabto  waxaan rabnaa doorasho wada  ogol ah in ay dalka ka dhacdo.

Goobjoog News