U bood dhigaalka

Afhayeenka ONLF Oo Sheegaya In Qalbi-Dhagax Uu Horay Uga Tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka, Hadana Uu Ku Jiro Gacanta Itoobiya

Sheeko:Dalka

Cabdiqadir Xasan Hir-mooge oo ah afhayeenka jabhadda xureynta Soomaali galbeed ayaa Goobjoog News uga waramay sida loo qabtay CabdiKariim Sheikh Muuse (Qalbi-Dhagax)?

Afhayeenka: Waxaa jira saddex iyo labaatankii bishaan CabdiKariim Sheikh Muuse isaga oo ku gaaray magaalada Gaalkacyo in ilmo yar oo uu waalid u yahay ka soo ka xeeyo ayaa halkaasi ciidanka nabad sugidda ee gobolka Galmudug ay qabteen marka dowladda Soomaaliya ay ogaatana nagu soo wareejiya ayey tiri, maalintii jimcaha aheyd  ayaa Xamar la keenay, sideed iyo labaatankii ayaa  Itoobiya ayaa lagu wareejiyey,  go’aanka waxaa qaatay madaxweyne Farmaajo , Ra’iisulwasaare Kheyre , taliyha nabad sugidda iyo nin kaloo lataliye u ah madaxweynaha xagga amniga.

Goobjoog News: Waxaad soo saarteen war qoraal ah oo aad ku sheegeysaan in gacanta loo galiyey Itoobiya ayna arrintaas sameysay dowladda Soomaaliya, yaa idiin xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay cabdikariim u gacan galisay Itoobiya?

Afhayeenka: Saxaafadda Itoobiya ee madaxa banaan way qortay,  madax Itoobiyaana oo Jigjiga iyo Adis-ababa jooga way sheegteen dadkii ehelka la ahaa ayaa xaqiijiyey anagana waan raad baarnay, dowladda Soomaaliyana si dad ban ayuu u qirtay sanbalooshe.

Goobjoog News: Maxuu ahaan jiray Cabdikariim?

Afhayeenka: Cabdikariim Sheikh Muuse jabhadda waxaa uu ku soo biiray dabayaaqadii sanadkii 1991 dii  wixii ka horeysay xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu ahaa,  waxuu ka tirsanaa qeybta 21-aad ee joogta gobolka Mudug, cabdikariim saddexdii sano ee ugu dambeysay Soomaaliya waxaa u joogay arimo qoys.

Goobjoog News: Adinkoo og in Cabdikariim ay Itoobiya doondooneyso xiriir wanaagsana uusan dowladda Soomaaliya kala dhaxeyn maxaa Soomaaliya ugu heyseen ?

Afhayeenka: xiriirka naga dhaxeyn kara dalka Soomaaliya ma waxaan ka imid gaano marka uu xiriir naga dhaxeynayo waxaa weeye ninka Soomaaliga ah visa cid nagu qasbi karta ma jirto Farmaajo iyo Kheyrana naguma qasbi karaan diinta,dhaqanka,nasabka Soomaaliya way wada leedahay .

Goobjoog News: horey waxaa u dhacday in maamul goboleedyada ay dowladda itoobiya u gacn galiyeen xubno ka trisan ONLF tan hadda dhacday maxay idin kaga duwantahay?

Afhayeenka: Kuwo caado qaatayaal ah oo shacabkana ka dhuumanaya saxaafaddana ka dhuumanaya oo daneysi yar Itoobiya ku qaba ayaa sameeyay oo qadayey awood iyo shacbiyad shacabna meesha kuma aysan joogin calanka Soomaaliyana ma aysan mataleynin taariikhdana ceeb ayaa u taallo aakhirana cadaab ayaa u yaallo.

Goobjoog News