U bood dhigaalka

AFRICOM oo duqayn cirka ah ka fulisay deegaan hoostaga gobalka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidamada maraykanka ee qaaradda afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayaa sheegay in 27 xubnood oo ka tirsan ururka alshabaab in ay ku dileen duqayn ka dhacday deegaan hoostaga gobalka Hiiraan.

War ka soo baxay AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqaynta ay ka dhacday deegaan u dhaw degmada Buula-burte 18-kii bishaan, kadib howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada AFRCIOM, ATMIS iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

“Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa ah in weerarka lagu dilay 27 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, mana jirto dad rayid ah oo waxyeello kasoo gaartay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka AFRICOM.

War saxaafadeedka ka soo baxay AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in Alshabaab ay khatar ku yihiin mustaqbalka Soomaaliya, sida hadalka loo dhigay.

“Ururada xagjirka ah ee rabshadaha wada sida Al-Shabaab waxay u taagan yihiin khataro mustaqbalka fog ku ah danaha Soomaaliya, gobolka iyo Mareykanka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ciidamada Maraykanka ayaa inta badan duqaymo dhanka cirka ah ka fuliya deegaanno ka tirsan gobalada dalka, waxaan howlgalkan la sheegay in lagu fuliyay codsi dowladda federaalka kaga yimid.

Goobjoog News