U bood dhigaalka

AFRICOM Oo Faah Faahisay Duqeyn Ka Dhacday Shabellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey duqeyn ay diyaaradahooda iyo howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Toora-toorow ee gobolka Shabellaha Hoose.

Waxay sheegtay AFRICOM in weerarkaasi ay ku dileen xubno ka mid ah Al-shabaab, balse faah faahinta xubnahan ma aanay bixin.

Sidoo kale, AFRICOM ayaa tilmaantay in weerarkan ay gacan ka geysteen ciidanka DFS.

Warkan kasoo baxay taliska ciidank Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu soo gabagabeeyey inaanu jirin wax khasaare ah oo soo gaaray rayidka halkaasi ka dhowaa.

Goobjoog News