U bood dhigaalka

AFRICOM Oo Sheegtay In Xubno Ka Mid Ah Al-shabaab Ku Dileen Baay

Sheeko:Amniga

Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn ay 8-dii bishan ay fuliyeen deegaan ka mid ah gobolka Baay.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliskan ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka fuliyeen deegaanka Yaaq Baraawe ayna ku dileen 6 ka mid ah Al-shabaab.

Waxaa lagu sheegay qoraalkan in deegaankaasi ay iska soo abuubuli jireen Al-shabaab, sidaa darteedna weerarka loogu qaaday.

Sidoo kale, Maraykanka ayaa sheegay in duqeyntan aanay waxyeello kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku dhowaa halkaasi.

Waa duqeyntii Shanaad oo dowladda Maraykanka sanadkaan gudahiisa ka fuliso gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo lala eegtay Al-shabaab.

Goobjoog News