U bood dhigaalka

AFRICOM Oo Sheegtay Iney Dishay 200 Oo Ka Mid Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM  ayaa qoraal kooban oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen iney duqeymaha ay ka fuliyeen Soomaaliya sanadkan 2019 ay ku dileen 200 oo ka mid ah dagaalyahannada Xarakada Al-shabaab.

AFRICOM ayaa sheegtay in 55 ka mid ah Al-shabaab ay dileen Sabtidii, Axaddii iyo Isniintii Todobaadkan, kadib howlgallo ay ciidankooda iyo kuwa DFS ka fuliyeen deegaanno ka mid ah gobollada dalka.

Sidoo kale, AFRICOM  ayaa sheegtay in dhammaan weerarada ay ka fuliyeen Soomaaliya aanay jirin cid shacab ah oo waxyeello ay kasoo gaartay.

Ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ku sugan ayaa ciidanka xoogga dalka ka taageera duqeymaha dhanka cirka ah, howlgallada gaarka ah iyo sidoo kale tababarada.

Goobjoog News