U bood dhigaalka

AFRICOM Oo War Kasoo Saartay Duqeyn Ay Ka Fulisay Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa (AFRICOM) ayaa waxaa lagu faah faahiyey duqeyn ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.

Waxaa lagu sheegay qoraalkan, in iyaga oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka, ay 29-kii bishan ay Saddex duqeyn fuliyeen, Labo ka mid ahna la beegsadeen Xarumo ay Al-shabaab ku leeyihiin Kuunya Barow iyo Cali Barrow.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntay ku burburiyeen Laba gaari, kuna dileen Labo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab, iyaga oo tilmaamay in aanay jirin waxyeello soo gaartay dadka shacabka ah.

William Gayler, madaxa howlgalada Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay soo qorsheeyeen, kana soo baaraandageen, isaga oo tilmaamay in ay xoojin doonaan howlgallada sidan oo kale ah.

Al-shabaab weli kama aanay hadal duqeyntan la sheegay in saraakiisha looga diley, balse AFRICOM iyo xoogga dalka ayaa kordhiyey sanadkan dhammaanaya ee 2019 weerarada ka dhanka ah Al-shabaab.

Goobjoog News