U bood dhigaalka

AFRICOM: Waxaan Dilnay 26 Al-shabaab Ah

Sheeko:Dalka

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Maraykanka Africa ee AFRICOM ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo 1-dii bishan diyaaradaha Maraykanka ka fuliyeen deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.

AFRICOM ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana khasaare ay kusoo gaarsiiyeen xubno ka mid ah Al-shabaab.

Waxa ay sheegeen sidoo kale in iyaga oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay weerarkaasi ku dileen 26 ka mid ah Xarakada Al-shabaab.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayeey tilmaameen in howlgalkaan ay ka qeybqaateen, ayna duqeeyeen saldhigyo Al-shabaab lahaayeen.

Dowladda Maraykanka waxaa ka go’an iney sii waddo beegsiga Al-shabaab, si looga hortago dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan, waxaana xaqiijineynaa in howlgalladeena aanay waxyeello kasoo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Dowladda Maraykanka ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka waddo Soomaaliya.

Todobaadkii tagay, AFRICOM ayaa sheegtay in sanadkan 2019 ay duqeyn ku dileen 200 oo Al-shabaab ah, ayna sidoo kale burburiyeen saldhigyo ay Al-shabaa ku lahaayeen gobollada dalka.

Dowladda Maraykanka ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka caawisa dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidoo kale tababarada ciidamada.

Goobjoog News